
Daafaca England ayaa tweetka ku qoray ereyo aan ku wanaagsanayn anshaxa isagoo qoray in xiriirka Kubbada cagta ay “bunch of t***s” kadib markii lagu eedeeyey warbixintii ay daabaceen FA taasoo afar kulan loogaga mamnuucay John Terry kadib markii lagu helay dambi ah in uu aflagaado cunsuriyad ah u geystey Anton Ferdinand.
Tababaraha Chelsea Di Mattero ayaa kulankii ay 4-1 ugaga badiyeen Norwich waxa uu yiri:” Waxaan leenahay siyaasad warbaahinta bulshada ah waxaana jiri doona fal anshax ah in laga qaado Asheley Cole.”
Cole ayaa fariintiisa dhigey Twitterka kadib markii uu ka daawaday taleefishin sababaha loo qaatay go’aanka laga gaaray arrinta Terry taasoo warbixintana lagu dhaleeceeyey Cole iyo xoghayaha Chelsea Dave Barnard.
Qeyb ka mid ah warbixinta laga qoray Terry ayaa waxaa lagu qoray in Cole uu bedelay hadaladiisii marqaatiga si uu u daafaco Terry. Cole ayaa kadib Twitka ku qoray” Hahahahaa, Hagaag, #fa Been Miyaan sheegay, #BUNCHOFT***S”.
Hase ahaatee markii dambe waa ka cudurdaartay wuuna ka saaray Twitterka ereyadaas.
Kooxda Chelsea ayaan weli wax tallaabo ka qaadan Terry illaa ay ka dhamaanayso racfaanka ay ka qaateen go’aanka uu gaaray FAga.
Di Matteo ayaa jimcihii yiri: “Hadda isagu waa kabtankeena.”
Labada ciyaaryahan ayaa waxa ay dhamaysteen sagaashankii daqiiqo ee kulankii ugu dambeeyey ee kooxda Chelsea la yeelatay Norwich.