
Kooxda heysata koobka horyaalada qaarada yurub ayaa u muuqatay mid wax burburineysa markii Frank Lampard uu gool u sarifay rigoore lagu galay Eden Hazard daqiiqadii 18aad, waxaana ay aheyd rigooradii 39aad ee uu Premier League ka dhaliyo Lampard, kaliya Alan Shearer ayaan ka badan.
Lakiin kooxda Reading ayaa kubad cajiib aheyd oo madax ah waxaa ugu barbareeyay Pavel Pogrebnyak, isagoo dhaliyay goolkiisii ugu horeeyay ee kooxda daqiiqadii 25aad, iyadoo kooxda soo qaaday xilli ciyaareedkii hore horyaalka heerka labaad ay hogaanka ku qabatay qalad weyn oo uu sameeyay Petr Cech oo u ogolaatay in Danny Guthrie laad xor ah oo uu soo tuuray oo uu shabaqa iska sii geliyo.
Chelsea ayaa dhamaadkii qeybtii hore u muuqatay mid isku dhex yaacsan, lakiin isbedel dhanka taatikada ah oo uu sameeyay tababare Roberto Di Matteo bartamihii qeybta labaad ayaa u ogolaaday Chelsea inay barbareyso ciyaarta ka dib qalad kale oo uu isna uu sameeyay goolhaye Adam Federici ay u ogolaatay Gary Cahill inuu meel dheer goolka ka soo toogto.
Kooxda galbeedka London ka dhisan ayaana hogaanka ku qabatay gool uu muran ku jiray ciyaarta oo 10 daqiiqo dhiman ka dib markii Torres oo u muuqday offside uu shabaqa kubad ku taabtay ka dib karoos ka yimid Ashley Cole.
Reading ayaana markaas baadigoob u gashay goolka barbaraha, lakiin dhamaadkii 5tii daqiiqo ee ciyaarta lagu daray Chelsea ayaa dhalisay goolka afaraad, markii goolhaye Federici uu soo baxay si uu uga qeyb qaato kooner kooxdiisa ay heshay, lakiin Branislav Ivanovic ayaa shabaq banaan kubad dhex dhigay ka dib markii uu baas xalaal ah ka helay Hazard.
Guushaan ayaa waxa ay la micno tahay in Chelsea ay hogaanka u heyso Premier League inkastoo ay taasi isbedeli karto isbuuc dhamaadka soo socda. Tababaraha Reading Brian McDermott, ayaase dhanka kale ay tahay inuu go’aansado hadii uu aamini karo goolhaye Federici kaasoo kooxdiisa u diiday labadii ciyaar ee ugu danbeysay guul ay rajeynayeen.
Kulankaan Chelsea ayaa la soo hormariyay madaama Chelsea ay ciyaareyso koobka European Super Cup oo ay la leeyihiin kooxda Atletico Madrid.