
Chelsea ayaa haysata afar kulan oo kale oo ay rajadeeda kaalinta afraad ku sii raadin doonto waxayna wali u baahan tahay in kooxda kaalinta afraad ku jirta ee Tottenham ay dhibco kale lumiso.
Chelsea ayaa doonaysay in ay sii wadato rajada yar ee ay ka qabto in ay kaalinta afraad ku soo bixi karto waxayna rajo ka heshay labadii kulan ee ugu danbeeyay ee ay kooxda Tottenham lumisay shanta dhibcood iyo guushii ay Chelsea ka soo gaadhay Southampton laakiin markale Blues ayaa maraysay imtixaanka kooxda Burnley oo ku riyoonaysa in ay Europa League u soo baxdo.
Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa ahayd mid aad u adag oo ay labada kooxood si wayn ugu dagaalameen laakiin kooxda Brunley ayaa nasiib daro ku lahayd in hogaanka ciyaarta looga hayay gool uu ciyaartoy kooxdeeda ahi iska dhaliyay waxayna ahayd qaybtii hore mid ay Burnley iska caabin wayn kala hortimdi Blues.
DAQIIQADII 20 aad Kooxda martida ahayd ee Chelsea ayaa heshay goolka kaliya ee qaybtii hore kulankan laga dhaliyay waxaana goolkan iska dhaliyay Kevin Long kaas oo shabaqa kooxdiisa Burnley gaadhsiiyay kubbad uu goolhaye Pope awoodi waayay in uu iska joojiyo.