Labada ciyaaryahan ayaa seegi doona kulanka Blackburn ee axada, iyagoo rajo ka qaba inay soo kabsan karaan ka hor kulanka sabtida ee 19ka May ay la ciyaarayaan Bayern Munich.
“Waxaan rajeyneynaa inay tababarka nagula soo biiraan isbuuca soo socda” ayuu yiri Di Matteo.
“Ganaaxyada aan heysano, waa inaan isku daynaa sida ugu adag, islamarkaana aan ku riixnaa inay taam noqdaan”
Chelsea ayaa aad ugu baahan Luiz iyo Cahill inay ciyaaraan finalka Allianz Arena sababtoo ah daafacyada John Terry iyo Branislav Ivanovic ayaa ganaax kaga maqan.
Luiz ma uusan ciyaarin tan iyo semi-finalkii FA Cup ee ay ka badiyeen Tottenham 15kii Aprill, iyadoo Cahill uu dhaawac ku soo gaaray Camp Nou sagaal maalmood ka dib