
Roberto Abramovich ayaa haatan la ogsoon yahay inuu u arko Di Matteo ninkii shaqada Chelsea sida tooska ahaa u qaban lahaa ka dib Villas Boss, ka dib markii uu ku guuldareystay inuu wax heshiis ah la gaaro tababarihii hore ee Barcelona Pep Guardiola.
Sida ay qortay Daily Mail ma jiraan weli wax la isku raacay, welinama kala cada inta uu la egyahay heshiiska loo soo bandhigi doono tababarihii kooxda ka caawiyay in bishii hore ay qaadaan Champions League iyo FA Cup.
Di Matteo ayaa isaga laftiisa aan ku faraxsaneyn sida ay wax u socdaan, waxaana walaac ka qabaa inuu booska u sii heynayo kaliya Guardiola marka uu ka soo laabto sannadkiisa uu ka nasanayo kubada cagta.