
Madaxa kooxda Blues Ron Gourlay ayaa lagu soo waramayaa inuu la xiriiray gudoomiyaha kooxda Wigan Dave Whelan shalay oo isniin aheyd iyagoo ka wadahadlay dalab cusub oo ku aadan Moses. Chelsea ayaa hore looga soo diiday dalab ay ku dooneysay ciyaaryahanka halka Wigan ay ku dooneyso ugu yaraan 8.5 milyan ginni.
Madaxweynaha kooxda Marseille Vincent Labrune, ayaa isna u sheegay jariirada L’Equipe inay dalab rasmi ah u heleen ciyaaryahanka reer Spain Azpilicueta.
“Waxaan la hadlay madaxda Chelsea waana dad lala shaqeyn karo. Waxaan u sheegnay qiimaha aan ku dooneyno, waana ay nagu soo laaban doonaan iyagoo aqbali doona ama diidi doona”.
“Waxaan jeclaan laheyn inuu ciyaaryahanka heshiis cusub inoo saxiixo oo uu inala sii joogo lakiin waxa uu doonayaa inuu aado Chelsea, waana koox fiican, sidaasi darteed ma horjoogsaneyno wadadiisa”.
Chelsea ayaa sidoo kala lala xiriiriyay inay dib u soo cusbooneysiisay xiisaheeda ciyaaryahanka kooxda Bayer Leverkusen Andre Schuerrle, iyagoo bilihii u danbeeyay suuqa kala iibsiga ku qarashgareeyay lacag kor u dhaafeysa 70 milyan ginni.