
21 jirkaan ayaa ka mid ah ciyaartoyda da’da yare e ka muuqata Jarmalka tan iyo intii uu Leverkusen kaga soo biiray kooxda Mainz sannadkii hore. Waxa uu 16 kulan u saftay Germany, waxaana uu qeyb ka ahaa xulkii Euro 2012.
Agaasimaha kooxda Leverkusen Wolfgang Holzhauser ayaa laga soo xigtay isagoo u waramayay wakaalada wararka Jarmalka SID:
“Waxaana nala soo hordhigay dalab ka ymid Chelsea oo ah 20 milyan euro (16 milyan ginni) ku doonayaan Andre. Lacagta waxaa hore iyo gadaal isagu soo tuurtuuray labada kooxood. Ugu danbeyn waxaan dooranay Andrea. Andre qiimo ayuu dhankeena inooga leeyahay. Sidoo kalena waxa uu cadeeyay inuu jeclaan lahaa inuu nala sii joogo”.