
heysata Champions League ee Chelsea ayaa ku dhow inay xiddig weyn oo weerarka ah
xagaaga ku soo darto kooxdeeda, iyadoo lagu soo waramayo inay heshiis
shaqsiyadeed la gaareen weeraryahanka kooxda Porto Hulk.
Wargeyska The Times ayaa sheegaya in xiddiga reer Brazil uu ogolaaday inuu 7 milyan ginni
sannadkii ka qaato Stamford Bridge muddo afar xilli ciyaareed ah, iyadoo Chelsea
ay ka filneyso inuu ciyaaryahanka ku qasbo kooxdiisa inay iska fasaxdo si uu u
qaato mushaharka 130 kun ginni isbuucii ee Blues diyaarka u la tahay.
Wargeyska ayaa yiri: “Chelsea weli heshiis lama aysan gaarin Porto, inkastoo ay ku dhow
yihiin inay u soo bandhigaan 30 milyan ginni, halka Fc Porto la filayo inaysan
ciyaaryahanka ku fasaxi doonin wax ka yar 38 milyan ginni”.
Chelsea ayaa qorsheyneysa in Hulk iyo xiddiga reer Belgium Eden Hazard inay ka ciyaaraan
garbaha Fernando Torres.
Hazard ayaa hore u sheegay inuu xagaaga u dhaqaaqayo Blues, lakiin wargeyska The Times
ayaa sheegaya in Chelsea iyo Lille ay ka heshiiyeen heshiis 32 milyan ginni ah,
waxaana ciyaaryahanka uu diyaar u yahay inuu qalinka ku duugo heshiis shan sanno
ah, isagoo qaadan doona 100 kun ginni isbuucii oo ay canshuurta ka baxsan
tahay.