
Kooxda ku guuleysatay UEFA Champions League ayaa abaalmarinta waxaa gudoon siiyay kooxaha kale ee la olaga ah, sannadguuradii seddexaad ee ay abaalmarin bixiyaan ECA.
Chelsea ayaa lagu aqoonsaday guushoodii ugu weyned ee ay gaareen xilli ciyaareedkii hore ee yurub iyo dalkoodaba.
Xilli ciyaareedkii hore Blues ayaa ugu danbeyn soo gabagabeysay sugitaankeedii koobka Champions League, waxaana ay sidoo kale ku guuleysteen FA Cup, inkastoo ay horyaalka Premier League ku dhameysteen kaalinta 6aad.
Si kastaba, guushoodii cajiibka aheyd ee rigoorada ee ay ka gaareen Bayern Munich ayaa u ogolaatay inay si toos ah ugu soo baxaan Champiosn League madaama ay yihiin kooxda ku guuleysatay.