
Nus darsaankaan goolal ayaa seddex goolba kala dhasheen labadii qeyb ee ciyaarta, waxaana goolasha furay daafaca Gary Cahill oo shabaqa soo taabtay daqiiqadii 4aad, ka hor inta uusan u labeynin Bertrand afar daqiiqo ka dib.
Waxaana daqiiqadii 17aad goolka seddexaad shabaqa cusjiyay ciyaaryahanka reer Spain Juan Mata, waxaana qeybtii hore lagu kala nastay 3-0 oo Chelsea ay hogaanka ku heysay.
Qeybtii labaad ayay halkooda ka sii wadeen kooxda Chelsea goolashooda, iyadoo Romeu uu gool rigoore ah ugu afareeyay daqiiqadii 53aad, shan daqiiqo ka dibna xiddiga weerarka uga ciyaara Chelsea Fernando Torres ayaa isna shabaqa soo taabtay, halka Victor Moses oo xagaagii kooxda ku soo biiray uu yiri maxaa iga reebaya isagoo dhaliyay goolkii lixaad ee ciyaarta daqiiqadii 71aad.
Chelsea ayaa haatan u gudubtay wareega afaraad ee Capital One Cup oo isku aadkiisa la qaban doono habeenka arbacada, iyagoo haatan isku diyaarin doona kulanka la sugi la’yahay ee Premier League ee ay la ciyaarayaan sabtida kooxda Arsenal.
Kooxaha kale ee u soo gudbay wareega afaraad ee Capital One Cup waxaa ka mid ah Swansea oo 3-2 ku dardartay Crawley, Leeds United oo 2-1 ku dubatay kooxda Premier League ka ciyaarta ee Everton, Sunderland oo 2-0 ku garaacday kooxda Milton Keynes Dons.
Middlesbrough ayaa ka mid ah kooxaha wareega afaraad u soo dhaqaaqay ka dib markii ay 3-2 ku qanciyeen kooxda Preston North End, halka Southampton ay 2-0 ku qaarjisay kooxda Shiefeld Wednesday, Wigan Athletic ayaa iyana 4-1 ku dubatay West Ham.