
Milkiilaha kooxda Blues Roman Abramovich ayaa oggolaaday in dalab rasmi ah kooxdiisu ay gudbiso kadib markii uu daawaday Falcao oo dhulka ku daray kooxdiisa kulankii finalaha ahaa ee UEFA Super Cup.
Kooxda haysata horyaalka Yurub ayaa rumeysan in aysan ku filneyn kooxdiisa hal gool dhaliye oo qura oo ah Torres.
Waxana ay kooxda Chelsea ay bilowday wadahadalada ku saabsan sida uu Falcao marka uu suuqa furmo ugu soo wareegi lahaa Stamford Bridge.
“Milkiilaha waxa uu donayaa in wax walba ay dhacaan kahor inta aysan koox kale dalab u gudbisan.”
Falcao oo 26 jir ah ayaa saddex sano uu ka ciyaarayay qaarada Yurub waxa uu dhaliyey 115 gool iyadoo goolashaa ay ka mid yihiin saddexley uu ka dhaliyey Chelsea kulankii ka dhacay Monaco ee Super Cup.
Atletico ayaa £32million kula soo wareegay Falcao isagoo ka mid ahaa kooxda Porto waxana uu xilligii uu ka mid ahaa kooxda Porto uu la qeybsaday koobab.