
Wararka ayaa sheegayay in Di Mitteo uu ka walaacsanyahay in uuna samayn wax ku filan in uu ku qanciyo milkiilaha kooxda Chelsea Roman Abramovich.
“Waan u sheegnay maalintii ugu horaysay ee uu Di Matteo uu xilka u la wareegay si kumeel gaar ahaana in aan arrimaha ku qiimayn doono dhamaadka xili ciyaareedka. Ma aanan badalin fikirkayagii” ayuu sheegay gudoomiyuhu.
“Robbie (Di matteo) waa uu lasocdaa taas, qofka ugu danbeeya ee kooxda xiligan cadaadis saari doonaana waa aniga” ayuu ku soo gabagabeeyay Ron Gourlay.
Gourlay ayaa diiday in uu cadeeyo in Di mitteo uu yahay musharaxa sida buuxda shaqada uga badali doonaa tababarihii hore ee la cayriyay Villas Boss, inkastoo ay jirtay is badal balaaran oo ka muuqday kooxda ilaa maalintii uu macalinka Talyaniga ahi xilka sida ku meelgaarka ah u la wareegay.
Waxa kale oo uu gudoomiyuhu ka gaabsaday in uu ka hadlo arrinta ku saabsan heshiis ay kooxdu u kordhiso ciyaaryahanka reer Ivory coast Didier Drogba.
“Didier waa uu jecelyay kooxdan, anaguna waan jecelahay waxaanan sii wadi doonaa wada hadalka”
“Didier iyo kooxda inteeda kaleba waxay diirada saarayaan waxa ay tahay inaan gaarno isbuuca soo socda, marka taasi dhamaatana waan u wada fariisan doonaa dhamaantayo”