
Ramos ayaa ka dhacay dooqa doorasho ee Jose Mourinho ka dib markii ciyaaryahanka kursiga keydka la fariisiyay kulankii Champions League ee ay la ciyaareen taladaadii Manchester City.
Hadii labada nin ay hagaajin waayaan xiriirkooda kala dhantaalan, Madrid waxaa laga yaabaa inay iska iibiso 26 jirkaan fursada ugu horeysa ee ay helaan, sida ay sheegayaan wararka Spain ka imaanaya.
Chelsea ayaa dooneysay inay daafac keento xagaagii, lakiin waxa ay ku guuldareysteen inay soo xerogeliyaan Maicon, kaasoo ugu danbeyn ku biiray Manchester City.
Roberto Di Matteo ayaa aad ugu baahan inuu adkeeydo daafaca kooxdiisa ka dib markii ay iska qasaariyeen isbuucaan hogaan labo gool ah, kulankii Champions League ee Juventus.
Awooda uu Ramos ku ciyaari karo daafaca dhexe iyo daafaca midig ayaana ka dhigeysa mid diirada u saareysa kooxda Chelsea.