
Chelsea ayaa 9 milyan ginni kula soo wareegtay 21 jirkaan garab weerarka uga ciyaarayay kooxda Wigan, kaasoo xalayto si rasmi ah ugu biiray kooxda Chelsea markii uu maray tijaabada caafimaadka.
Moses ayaa ka tagay Wigan isagoo sagaal u dhaliyay 80 kulan oo uu kooxda u saftay. Kulankii ugu danbeeyay ee Wigan uu u ciyaaro waxa uu ka horyimid kooxdiisa cusub.
Moses ayaa ah saxiixii shanaad ee weyn ee ay Chelsea la soo wareegto xagaagan, waxaana ay isla shalayto si rasmi ah u la soo wareegeen daaafaca midig ee reer Spain iyo kooxdii Marseille Cesar Azpilicueta, kaasoo ay ka soo bixiyeen 7 milyan ginni.
Waxaana ka sii horeeyay oo ay la soo wareegeen Eden Hazarad, Oscar iyo Marko Marin oo ay wadajir ku soo iibsadeen 64 milyan ginni iyadoo kala bar lacagtaas uu ku fadhiyo kubadsameeyaha reer Belgium.
Wadar ahaan lacagta ay Chelsea ku qarashgeysay suuqa kala iibsiga tan iyo intii ay ku guuleysteen Champions League bishii May waxa ay haatan gaareysa 80 milyan ginni.
Waxaana la filayaa in ka hor maalinta jimcaha inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga inay la soo wareegaan ciyaaryahan kale iyagoo daneynaya weeraryahan cusub oo booska kula tartama Torres.