
Chelsea oo nus darsan goolal ah ku soo badisay ayaa waxa ay Stamford Bridge ku martigelin doontaa kooxda Manchester United oo iyadana 2-1 kaga soo talaabsatay kooxda Newcaste.
Kulamada kale ee isku aadka Liverpool waxa ay Anfield ku soo dhaweyn doontaa kooxda Swansea, halka Arsenal ay u safri doonto kooxda Reading.
Tottenham waxa ay booqan doontaa Norwich City, halka Sunderland ay iswajihi doonaan Middlesbrough.
Waxaa kulamadan la ciyaari doonaa isbuuca 29ka October ee bisha soo socota.
Isku Aadka Wareega 4aad ee Koobk Capital One:
Sunderland v Middlesbrough
Swindon Town v Aston Villa
Wigan Athletic v Bradford City
Leeds United v Southampton
Norwich City v Tottenham Hotspur
Liverpool v Swansea City
Chelsea v Manchester United
Reading v Arsenal