
ayaa guuldarro ay soo gaartay markii labaad sideed maalmood gudaheed, iyadoo
isku diyaarintooda ciyaaraha Euro 2012 ku bilowday guuldarro ka dib markii
guuldarro 5-3 ay ka soo gaartay ciyaar saaxiibtinimo oo ay la ciyaareen xulka
Switzerland.
Ka
dib isbuuc markii kooxda ugu weyn Jarmalka ee Bayern Munich laga qaaday
Champions League, xulka qaranka oo uu hogaamiyo Joachim Loew ayaa waxaa
seddexleey kaga naxsaday Eren Derdiyok kaasoo aan ciyaari doono Euro 2012
madaama xulkiisa Swiss aysan u soo bixin.
Waxa
ay u aheyd habeen isku dhafan xulalka ka qeybgalaya Euro 2012, iyadoo xulalka
intooda badan ay la soo shirtageen ciyaartoy tijaabo ah ka hor inta uusan
tartanka rasmiga ah ka furmin Warsaw 8da June.
Xulkii
laga qaaday koobka Adduunka ee Netherlands oo sida Jarmalka loo sadaalinayo inay
ka muuqan doonaan koobka Euro bisha soo socota ayaa iyagana waxaa gurigooda 2-1
kaga badisay xulka Bulgaria.
England,
oo xaalkeeda uu qasnaa bilihii u danbeeyay ka dib iscasilaadii Fabio Capello
ayaa guul ku soo dhaweysay tababarahooda cusub Roy Hodgson, iyagoo 1-0 ku dubtay
xulka Norway. Waa markii ugu horeysay ee ay ku badiyaan wadan Scandinavian-ka ka
tirsan muddo 32 sanno ah.
Goolka
qura ee ay ku badisay England waxaa u saxiixay Ashley Young.
Spain,
oo difaacan doonta koobka Euro oo ay afar sanno ka hor qaadeen, ayaa soo saftay
xul jilicsan oo ay ka maqan yihiin ciyaartoyda Barca kulankii ay la ciyaareen
Serbia, lakiin waxa ay ku badiyeen 2-0.
Adrian
Lopez, oo ka mid ahaa afar ciyaaryahan oo ay ugu horeysay inay u ciyaaraan xulka
Spain ayaa goolka hore furay, iyadoo Santi Cazorla uu rigoore ugu labeeyay.
Xulka
Portugal ayaa waxaa ku ooriyay taageerayaashooda ka dib markii barbaro 0-0 ah ay
la galeen xulka Macedonia, halka Greece oo Euro 2012 ka qeybgaleysa islamarkaana
dooneysa inay 2004 soo xusuusiyaan dadka daawanaya waxa ay barbaro 1-1 la galeen
Slovenia.
Denmark
waxa ay guuldarro 3-1 ah ka soo gaartay Brazil ka dib markii Hulk uu dhaliyay
labo gool.