
Jarmalka ayaa caawa ciyaar saaxiibtinimo laba iyo waxba ku dardaray xulka Israel
ciyaar ka dhacday Red Bull Arena.
Weeraryahankooda
Mario Gomez ayaa goolka hore u furay daqiiqadii 40aad ee ciyaarta ka dib markii
ay si fiican iskula jaanqaadeen Sami Khedira iyoThomas Müller iyadoo ugu dambeyn
u si awood leh shabaqa ugu hubsaday Mario Gomez,sidaas ayaana lagu kala
nastay.
Markii
la isku soo laabtay iyadoo ay ciyaarta ka dhiman tahay wax ka yar 7 daqiiqo ayaa
Andre Schürrle oo daqiiqad ka hor bedel kusoo galay wuxuu meel fog kasoo toogtay
shabaqa isagoo Germany u saxiixay goolka labaad ee rajo dhinac u riday.
Dhanka
kale xulka France ayaa natiijada taas la mid ah ku dardaray xulka Serbia.
Franck
Ribéry ayaa goolasha u daah furay daqiiqadii 11aad ee ciyaarta ka dib loob uusoo
dhigay Gael Clichy oo uu soo celiyey goolhayaha Serbia Zeljko Brkic ayaa waxaa
meel shabaqa u dhow ka helay Ribéry oo si awood leh ugu dhex dhigay shabaqa.
Goolka
labaad waxaa u dhiliyey Florent Malouda oo kubad si qalad ah uu ugu dhibay
ciyaaryahan ka tirsan xulka Serbia Malouda ayaana meel dheer kaso toogtay goolka
waana daqiiqadii 16aad ee ciyaarta, intaas kadib fursado ay abuureen ciyaartoyda
xulka Serbia waxaa beeniyey daafacyada France.
Greece
ayaana Hal iyo Waxba kaga talaabsaday Armenia goolka guushana waxaa u dhaliyey
ciyaaryahankooda Papadopoulos daqiiqadii 23aad.