
Daqiiqadii 52aad ayaa kubad uu so laaday Nacho Monreal waxaa gacanta ku taabtay ciyaaryahan Yong-Hyung Cho, waxaana garsoorihii ciyaarta Bieri uu Spain u dhigay gool ku laad waxaana shabaqa ku hubsaday Xavi Alonso.
Afar daqiiqo ka dib Santiago Cazorla González ayaa laad xor ah oo jog hoose ku socda goolka sedaxaad ugu saxiisay Spain.
Goolka hurdada u diray South Korea ayaa waxaa shabaqa ku hubsaday Negredo oo bedel kusoo galay ciyaarta.

Goolka koowad ee Holand ayaa yimid daqiiqadii 11aad ee ciyaarta ka dib markii kubad uu soo karoosay Ibrahim Afellay uu shabaqiisa ku leexshay Kornel Salata 1-0 kaasi ayaana lagu kala nastay.
Goolka labaad ee Netherlands ayaa yimid ka hor 15 daqiiqo dhamaadkii ciyaarta ka dib markii uu kubab meel shabaqa u dhow ka helay Rafael van der Vaart isagoo xagasha midig ka dhigay goolhaye Jan Mucha ayaana awoodi waayey inuu qabto.
Sweden iyo Iceland ayaa waxaa dhex maray ciyaar xiiso badan oo shan gool ay iska dhaliyeen labada xul, Zlatan Ibrahimovic ayaa goolka koowaad u furay xulka Sweden daqiiqadii 2aad ee ciyaarta ka dib markii uu loob fiican ka helay Sebastian Larsson wuxuuna halkas ka dhilyey gool aad u qurux badan, Ola Toivonen ayaa Sweden u dhaliyey goolka labaad ka dib markii Zlatan Ibrahimovic uu soo sarqaamiyey difaaca midig ee xulka Iceland Aron Einar Gunnarsson isagoo kubada soo dhex dhigay meel ay isku xoomsanaayeen ciyartoy badan waxaase lugta la helay Ola Toivonen oo gool u sarifay.
Iceland ayuu gool usoo celiyey ciyaaryahankooda Kolbeinn Sigthórsson daqiiqadii 29aad ee ciyaarta,waxaase hurdo u diray Christian Wilhelmsson oo bedel kusoo galay iyadoo ay ciyaarta ka dhiman tahay 10 daqiiqo,goolka labaad ee Iceland ayaa dhashay ciyaarta oo sii idlaaneysa waxaana u dhaliyey difaacooda Hallgrímur Jónasson.
Switzerland iyo Romania ayaa iyaguna ciyaaray iyadoo xulka Switzerland ay ciyaartii tan ka horeysay kusoo tumatay xulka Jarmalka caawa ayaase la dhadhhensiiyey guuldaro,waxaana hal iyo waxba ugu awood sheegtay Romania,
Goolka guusha siiyey waxaa u dhaliyey Grozav daqiiqadii 57aad ee ciyaarta.