
Kooxda Brendan Rodgers ayaa si xun ku bilaabatay ka dib markii ay hal dhibic kaliya ka heleen seddex kulan oo ay ciyaareen horyaalka, lakiin xiddiga kooxda kubada kolayga Miami ayaa u balanqaaday kabtanka kooxda Steven Gerrard inuu balantiisa ka dhabeyn doono.
James ayaa sheegay inuu ciyaartoyda siin doono xaflad iyo caweyn qaali ah oo aysan waligoodna ilaawi doono, isagoo shaaca ka qaaday inay qaban qaabin doonaan isaga iyo heesaaga saaxiibkiis ah Kayne West.
LeBron ayaa u sheegay The Sun: “Waqti ayaan la qaatay Steven Gerrard, aad ayuuna u jecel yahay kooxdiisa.
“Qof walba oo Isboorti ciyaara waxa uu u baahan yahay dhiirogelin, hadii wiilasha Liverpool ay ku guuleystaan koob sannadkaan, waxaan siin doonaa isbuuc dhamaadkoodii ugu fiicnaa noloshooda oo ay ku qaadanayaan Las Vegas.
“Kanye West ayaana ka qeyb qaadanaya, ina aamin, ma jirto cid Las Vegas ku fiican oo aan aniga iyo Kayne ka aheyn.”
LeBron ayaa intaasi raaciyay: “Waxaan geyn doonaa meelo ka tirsan Vegas oo 99% aysan dadku ogeyn inay jirto. Vegas ayaa jirta ka dibna mid kale ayaa jirta.”
Waxa uu qorshyenayaa inuu xilli ciyaareedkaan soo booqdo mar kale Anfield, isaga iyo Kayne West iyo heesaaga kale e caanka ah Jay-Z.
Waxaa haatan laga joogaa 17 bilood markii LeBron James uu saami aad u yar ka gatay kooxda Liverpool.