
kooxdiisa ee ka qeybgalaysa tartanka Olympica gaar ahaan John Mata taasoo ka
dhigan in horaanta kulamada horyaalka Ingiriiska inayka qeybgeli waayaan.
Illaa afar ciyaaryahan ayaa la xaqiijiyey inay seegi doonaan bilowga horyaalka Premier
League ee 2012-2013.
Juan Mata, Oriol Romeu, David Luiz iyo Ryan Bertrand ayaa wadamadooda u xuleen inay
ka qeybgalaan ciyaaraha Olympic 2012 iyadoo tartankaana uu socon doono toddobaad
kahor inta uusan bilaaban horyaalka Ingiriiska.
Tababaraha Chelsea Di Matteo ayaa waxa uu sheegay in arrintan aysan ahayn mid wanaagsan
gaar ahaan John Mata oo ka qeybgalay tartankii Euro 2012.
“Waa aynu arki doonaa Mata, sababtoo ah waxaa uu ka mid ahaa ciyaaryahanadii Euro
2012 hadana wuxuu safanayaa tartanka Olympic,”ayuu u sheegay Di Matteo
weriyaasha.
“Mudada aynu fasaxa siineyno waxa ay ku xirnaan doontaa marka uu ka tago Olympic iyo
sida uu jir ahaan iyo maskax ahaanba diyaarka u yahay.
“Ma aha mid wanaagsan ,balse waxaa jiri doona kooxo badan oo sidaa oo kale
xaaladoodu tahay.”