
Ciyaaryahanka baalka ka ciyaara ee Afellay oo muddo 18 bilood ah la joogay Barca ayaa waxaa lala xiriirinayay in uu xilligan ka tegayo kooxda Barcelona.
Liverpool ayaa waxa la sheegay in aad u xiiseynaysay ciyaaryahankan iyadoo sidoo kale dooneysay ninka ay isku kooxda ahaayeen ee Cristian Tello.
Wargeyska Dutchka ee Telegraaf ayaa waxa ay qortay maanta in Anfield markii hore uu diiday Afellay balse ay kooxdu sugtay dhowr toddobaad iyadoo rajaynaysay in ciyaaryahanku uu maskaxdiisa bedelo.
Si kasta ha ahaatee la soo wareegida Oussama Assaidi ee kooxda Liverpool ayaa hadda cadeyn u ah inay bedeshay doonitaankeedii Affelay.