
Ciyaaryahanka reer Spain ayaa casaan toos ah waxaa siiyay garsooraha Turkiga Cuneyt Cakir ka dib markii lagu eedeeyay inuu wax u geystay ciyaaryahan ka soo horjeeda kulankii ay 2-0 kaga badiyeen Benfica.
Busquets ayaa ganaax seddex kulan ah mari lahaa lakiin guddiga dishibiliinka Uefa ayaa u arkay inuu mudan yahay ganaax ka yar oo labo kulan ah madaama uusan ku kicin fal qalalaase weyn wata.
24 jirkaan ayaa seegi doona kulanka ay martigelinayaan Celtic 23ka October, halka sidoo kale uu ka maqnaan doona kulanka ay u safrayaan Celtic labo isbuuc ka dib.
Barcelona ayaa haatan fadhisa halka ugu sareysa Group G iyagoo lex lix dhibcood. Celtic ayaa ku soo xigta oo leh 4 dhibcood