
Ciyaaryahanka xulka Spain oo la qeybsaday dhowaan abaalmarinta Prince of Asturias goolhayaha Real Madrid Iker Casillas arbacadii ayaa waxa ay hooyadii sheegtay in mustaqbalka wiilkeeda uu aad u adkaan lahaa ka hor inta uusan ku biirin kooxda Barca.
“Senor Galliani oo ka tirsanaa mas’uuliyiinta Milan ayaa miiska u soo saaray Xavi dalab ah in uu afar sano u saxiixo kooxda Ac Milan isla markaana uu qaato150m pesetas ,”ayay tiri iyadoo la hadlaysay taleefishinka TV Cuatro.
“Waqtigaa waxaa ka horyimid Pep Guardiola balse aniga waxaa ay ii ahayd mid kala goynaya qoyska gebi ahaabna.
“Weliba, waxaan marwalba u haystay in uu dhib kala kulmi doono balse uu ku guuleysan doono Barcelona.”
Xavi hooyadii ayaa waxa kale oo ay rumeysan tahay in ugu dambayntii marka uu ka tago ciyaaraha inuu garoomada ku sii jiri doono uuna noqon doono tababare.
“Waxaan filayaa in uu noqon doono tababare balse aniga hooyo ahaan waxaan la jeclaan lahaa inuu noqdo agaasime ciyaare waayo iyadaa ka dhib yar. Balse ma garanayo xilliga ay arrintaasi dhici doonto waayo waqti badan ayaa u sii haray.”