
Kubbad qaabeeyihii hore ee Werder Bremen oo hadda xulka dalkiisa Germany la jooga dalka Ireland ayaa waxa uu siiyey wareysi wargeyska dalka Jarmalka ee Kicker.
“Tababaruhu waxa uu ogyahay waxa aan samayn karo,”ayuu yiri 23-jirkaan. “Waana uga mahadcelinayaa kalsoonida uu igu qabo.”
Faalada uu bixiyey ayaa ah runtii mid xiiso leh iyadoo Ozil badanaa xilli ciyaareedkan kulamo badan keydka la geliyey, waxaana taas u sabab aha sida la aaminsan yahay xilliyada habeenkii oo uu ku soo caweeyo waqti dambe baararka ku yaal Madrid.
“Saddex sano ayaan ku noolahay Madrid, waxaana aan baran la’ahay saxaafada Spain. Saxaafada loo yaqaan paparazzi {oo ah qaar sawirada si dhuumaalaysi ah ku qaada}ee Spain jooga waa ka xun yihiin kuwa Jarmalka jooga. Ma bixi kartid oo baararka cunto uma doonan kartid iyadoo aan lagu sawirin.”
Mid kamid ah waxyaalaha uu la yaabay Ozil ayaa waxaa kamid ah maalmaha kulamada ay ka jiraan garoonka Bernabeu.
“Taageerayaasha aad ayay ii soo dhoweeyaan wayna I dhiirigeliyaan, gaar ahaan markaan garoonkeena ku ciyaarayno. Runtii markaa jawigu waa mid la yaab leh oo aan wax lala barbar dhigo aysan jirin.”