
30-jirkan ayaa si weyn loola xiriirinayay in uu ka tagayo kooxda Spain ka dhisan xaggaagan kadib markii ay is afgaran waayeen Jose Mourinho balse maamulka kooxda ayaa diiday in uu ka tago waxana uu laga soo bilaabo xilligaa dadaal ugu jiray inuu safto kulan rasmi ah.
Si kasta ha ahaatee maalin kadib markii uu saddexley ka dhaliyey kulanka Trofeo Bernabeu ee ahaa kulan saaxbintinimo oo ay wada ciyaareen kooxda Real Madrid iyo Millonarios ayaa weeraryahankan dib loogu yeeray kooxda Mano Meneze ee dhowaan kulamo saaxibtinimo ciyaari doonta.
Waa markii ugu horeysey ee xulka loogu yeero ciyaaryahankii hore ee Milan tan iyo kulankii saaxibtinimo ee oktoobartii hore ee ay xulka Barazil la ciyaareen Gabon iyo Egypt,isagoo markaas uu dhaawac ka soo gaaray kulamadaas.
Kaka ayaa waxaa uu ka dhinac ciyaari doonaa ciyaaryahanka ay isku kooxda yihiin ee Marcelo iyo ciyaaryahanada kale ee ka ciyaara La Ligaha ee Adriano, Dani Alves iyo Diego Alves ee ah kulan ay ciyaarayaan ciyaaryahanada reer Brazil iyagoo ka hortagaya xulalka Iraq iyo Japan bartamaha bisha October.
Xulka Brazil ee la ciyaaraya Iraq iyo Japan: Adriano – Barcelona, Alexsandro – Porto, Daniel Alves – Barcelona, David Luiz – Chelsea, Dede – Vasco, Diego Alves – Valencia, Fernando – Gremio, Giuliano – F.C. Dnipro, Hulk – FC Zenit, Jefferson – Botafogo, Kaka – Real Madrid, Leandro Castan – Roma, Leandro Damiao – Internacional, Lucas – Sao Paulo, Marcelo – Real Madrid, Neymar – Santos, Oscar – Chelsea, Paulinho – Corinthians, Ramires – Chelsea, Sandro – Tottenham Hotspur, Thiago Neves – Fluminense, Thiago Silva – PSG, Victor – Atletico Mineiro