
Lacagta labada dhinac ay ku heshiiyeen lama sheegin hase yeeshee waxaa la aaminsan yahay in illaa siddeed malyan oo Pound uu Meireles u saxiixay afarsano inuu la joogo kooxda ku ciyaarta garoonka Sukru Saracoglu Stadium.
Ciyaaryahankan reer Portuqal ayaa xilli ciyaareedkii hore ku biirey Stamford Bridge isagoo ka soo tegey Liverpool waxana ay ka bixisey Chelsea lacag dhan 12 million oo pound.
Meireles ayaa 42 kulan u saftay xilli ciyaaareedkii la soo dhaafay kooxda Blues. Ciyaaryahankan ayaa hadda jecleystey in uu ku biiro laacibkii hore ee lIverpool ka wada dheeli jireen ee Dirk Kuyt oo ka ciyaara horyaalka Turkiga, kadib markii uu waayay inuu boos joogta ah ka helo kooxda iyadoo laga jecel yahay John Obi Mikel iyo Frank Lampard.
Meireles ayaa si aad ah loo rumeysan yahay in uusan ku faraxsanayn Chelsea tan iyo markii shaqada laga eryey tababarihii hore Andre Villas-Boas oo ahaa ninkii keenay magaalada London.
Imaanshaha Oscar, Eden Hazard iyo Marko Marin ayaa sii fogeysey wararkii la isla dhex marayay ee ahaa inuu ka tagayo Blues. Iyadoo tababare Di Matteo uu dib u dhis ku samaynayo Chelsea uuna keenayo ciyaaryahano dhalinyaro ah.