
Azzurri ayaa hoos loo dhigay awooda ay la shir tegi karaan marka ay wajahaan wiilasha Vicente Del Bosque ka dib markii ay dharbaaxo xanuun badan kasoo gaartay xulka Rassia ciyaar saaxiibtinimo, halka ay lumiyeen daafacyada Andrea Barzagli oo dhawac qaba iyo Domenico Criscito oo laga saaray xulka ka dib markii lagu eedeeyey inuu ku lug lahaa qamaar sharci darro ah.
Si kasbata, Marchisio ayaan fahamsaneyn niyadjabka ku hareersan xulka Italy, isagoo xusay in Italy ay awoodo inay ku celiso geesinimadii ay sameysay bishii August sannadkii hore markaasoo ay 2-1 kaga badiyeen Spain.
“Cidna kama cabsaneyno. Waxaan nahay Talyaani, waxaan nahay Dal weyn,”ayuu ciyaaryahanka Juventus u sheegay suxufiyiinta xilli uu shir jaraa’id qabtay.
“Waxaan wajihi doonaa xulka heysta Koobka Euro, xulkaasoo ciyaara kubada ugu qurxoon dunida.
“Laakiin xagaagii lasoo dhaafay ayaan garaacnay ka dib markii aan ciyaarnay kulan weyn waxaana u baahanahay inaan mar kale sameyso sidii oo kale.”
Sidoo kale Italy ayaa [Group C ] waxaa kula jira Republic of Ireland iyo Croatia waxaana la rumeysan yahay in markale xulka Talyaanigu ay wajahayaan ciyaaro adag oo wareega hore ee bandhiga ah,iyagoo ku guuldareystay inay soo gaaraan knockout koobkii aduunka ee 2010.
“Kama welweli doono wax ku saabsan arintaas, laakiin waxaan u shaqeyn doonaa si degan, cabsi la’aan ah”.
“Ma dooneyno inaan dib ugu soo celino Koobka Yurub wixii kadhacay koobkii aduunka ee 2010kii.”