
Maxakamada fadeexada ciyaaraha sharadka lagu galay ayaa bilaabatay saaka, iyadoo qareenka xiriirka kubada cagta Talyaaniga Stefano Palazzi uu soo bandhigay codsiyada ganaax ee ay dalbadeen tababaraha Juventus Antonio Conte iyo kooxda Seina. Waxaana la filayay inay aqbali doonaan.
Si kastaba, garsoorayaasha ayaa si lama filaan ah u diiday codsigaas ganaax ee ay soo jeediyeen qolyaha dacwada loo heysto.
Sida hore loo wariyay, tababaraha Juventus ayaa dalbaday in ganaaxiisa laga dhigo seddex bilood oo uu garoomada ka maqnaado iyo 200 kun euro oo tabarucaad uu u dhiibo.
Conte ayaa lagu heystaa inuu ku guuldareystay inuu ku wargeliyo maamulka Isboortiga isku day la doonayay in sharad sharci darro ah la dhigto kulan u dhaxeeyay Seina iyo Novara, markii uu macalin u ahaa Seina xilli ciyaareedkii 2010-11.
Codsiga ganaaxa ee la diiday haatan ayaa dhigayay inuusan soo fariisan Karin kursiga tababaraha, qolka labiska islamarkaana uusan wareysi bixin Karin ilaa iyo 1da November, inkastoo Conte uu awoodi lahaa inuu tababar maalinle ah siiyo kooxda.
Eedeyn taas la mid ah ayaa lagu heystaa Siena, kuwaasoo soo bandhigay ganaax 5 dhibcood looga jarayo xilli ciyaareedka cusub iyo 40 kun euro.
Diidmada ay garsoorayaasha xiriirka kubada cagta diideen heshiiskii ganaaxa uu ogolaaday Antonio Conte ayaa waxa ay haatan la micno tahay in kiiska Conte maxkamad loo qaado islamarkaana uu wajaho ganaax ka dheer midkii uu haatan doonayay inuu maro.
Lakiin qareenada Juve ayaan weli ka rajo dhigin kiiskaan, iyagoo cadaadis saaraya garsoorayaasha xiriirka.