
Xiddigii hore ee Italy ayaa dhawaan laga diiday heshiis ganaax ah oo uu la gaaray qareenka dacwadan ku soo oogaya oo aheyd inuu maqnaado kaliya 3 bilood, waxaana uu markaasi ka dib dalbaday in kiiskiisa si toos ah maxkamad loo saaro, iyadoo qareenka dacwada soo oogaya uu markaasi codsaday in la ganaaxo 15 bilood.
Conte ayaa ogaan doona go’aanka maxkamada maanta ilaa iyo jimcaha inta u dhaxeysa markaasoo garsoorayaasha ay kiiskiisa qaadi doonaan, waxaana laga yaabaa in 43 jirkaan uu seego dhamaan xilli ciyaareedka 2012-13, iyadoo la aaminsan tahay in garsoorayaasha dacwada qaadaya inay aaminsan yihiin raga ku marqaati furaya ee kala ah Carlo Gervasoni iyo Filippo Carobbio.
Conte ayaa lagu heystaa inuu ku guuldareystay inuu maamulka Isboortiga ogeeysiiyo isku day lagu doonayay in lagu qorsheeyo natiijada ciyaar Serie B aheyd oo ay la ciyaarayeen Novara iyo Albinoleffe xilli ciyaareedkii 2010-11 si lacag loogu guuleysto, markaasoo uu macalin u ahaa kooxda Siena.
Dhinaca kale ciyaartoyda Simone Pepe iyo Leonardo Bonucci ayaa la filayaa in wax danbi ah lagu waayo oo ay maxkamada iska fasaxdo.
Bonucci ayaa lagu eedeeyay inuu sameeyay qiyaano isboorti, halka Pepe isna lagu heysto inuu ku guuldareystay inuu qiyaanadaas Isboorti ogeysiiyo maamulka Isboortiga markii labada ciyaaryahanka kooxihii ay u kala ciyarayeen Bari iyo Udinese ay iska horyimaadeen 2010.
Si kastaba, ninkaku marqaati furaya dacwadan labada ciyaaryahan Andrea Masiello ayaa u muuqda mid aan la aamini karin, waxaana ay taasi keeneysa in labadan ciyaaryahan ay ka dhaqaaqaan maxkamada iyadoo aan wax danbi ah loo heysan.