
Xulka Jarmalka ayaa kubada koontaroolayay inta badan ciyaarta, lakiin goolka hortiisa kuma aysan cadcadeyn ilaa iyo Gomez uu goolka guusha dhaliyay iyadoo ciyaarta ay ka harsan tahay 18 daqiiqo.
Goolka Manuel Neuer ayaa markaasi ka dib noqday mashquul ilaa dhamaadkii ciyaarta, iyadoo Portugal ay raadineysay goolka barbaraha, lakiin Ronaldo iyo saaxiibadiis waa ay ku guuldareysteen inay helaan goolka barbaraha.
Ronaldo ayaa waxaa fursad qatar ah ka block-gareeyay Jerome Boateng qeybtii labaad ee ciyaarta, halka fursadii ugu fiicneyd uu qeybtii hore kubad birta ku dhuftay Pepe, Ronaldo ayaana dareensan in nasiib darro ay ku aheyd inaysan helin ugu yaraan hal dhibic.
“Dareenkeyga ku aadan natiijadan waa inaysan cadaalad aheyn” ayuu Ronaldo u sheegay Goal.com
“Waxaan qabaa in nasiibka uu na saacidi waayay, waxaan heysanay fursad aan ciyaarta ku badin karnay”.
“Waxaa ina soo martay fursado ka badan kuwa Jarmalka oo aan gool ku dhalin karnay, waana adag tahay in garoonka looga baxo guuldarro, lakiin waa inaan niyad wanaag muujinaa, islamarkaana aan ka fekernaa ciyaarta soo socota oo ah mid muhim weyn inoo ah”.