
horyaalka ugu adag horyaalada caalamka, waxaana uu weli ku riyaaqayaa guushii ay
horyaalka ka gaareen xilli ciyaareedkii hore.
Ciyaaryahanka reer Portugal ayaa door muhim ah ka ciyaaray hanashada La Liga
ee Los Blancos, isagoo dhaliyay 46 gool.
“Waxaan qabaa in xilligii iigu fiicnaa ilaa iyo haatan inay tahay ku
guuleysiga La Liga” ayuu Ronaldo ku sheegay wareysi uu siiyay Thai Televison.
“Sababtoo ah waxaan qabaa in horyaalka Spain uu yahay kan ugu adag caalamka”.
“Waxa uu horyaalka leeyahay kooxo waa weyn sida Barcelona, inaad ku
dhameysato adigoo 9 dhibcood ka sareeya… ayaa wax badan ku sheegeysa”.
Ronaldo, ayaa haatan fasax kula qaadanaya saaxiibtiis Irina Shayk dalka
Thailand, waxaana fasaxiisa uu soo dhamaan doonaa dhamaadka bishaan markaasoo uu
ku biiri doono kooxda Real Madrid ee ciyaaraha saaxiibtinimo ku ciyaareysa
Mareykanka.