
Ronaldo ayaa ahaa geesiga kooxda Jose Mourinho, isagoo dhaliyay seddexleey, islamarkaana guusha ku hogaamiyay kooxda Los Blancos.
Isagoo u hadlayay Canal+, Ronaldo ayaa yiri: “Aad ayaan u faraxsanahay sababtoo ah waan badinay si fiicana waan u ciyaarnay. Aniga ahaan inaan seddex gool dhaliyo aad ayay muhim iigu aheyd.
“Waxaan ciyaarnay ciyaar aad u dhameystiran, muhim weyn ayayna inoo tahay inaan kalsooni helno ka hor kulanka soo socda ee Barcelona.
“Muhim ayay ii aheyd inaan kubada gurigeyga u qaato, lakiin waxa ugu muhimsan ayaa ah kooxda sababtoo ah kooxda la’aanteed ma aanan awoodi laheyn inaan goolal dhaliyo.”
Barcelona ayaa 11 dhibcood ka sareyn doonta Real Madrid hadii ay axada ka badiyaan, lakiin Ronaldo ayaa huba inay kooxdiisa heli doonto guusha ay raadinayaan.
“Kalsooni ayaan ku qabaa inaan natiijo fiican ku heli doono meel adag oo ah Camp Nou. Barcelona waa koox fiican sidaasi darteed farqi weyn ma jiri doono” ayuu Ronaldo hadalkiisa ku koobay.