
27-jirkan oo labo gool u dhaliyey Los Blancos kulankii Granada 3-0 ku dhamaaday ayaa diiday in uu dabaaldago goolashii uu dhaliyey ee ahaa kiisii 149aad iyo kii 150 aad ee uu u dhaliyo kooxda tan iyo markii uu ku soo biiray kooxda.
Qoraal uu soo geliyey boggiisa gaarka ah ee Twitterka ayuu Ronaldo sii fogeeyey halka ay tahay meesha uu ka murugeysan yahay balse waxa uu ku adkeystey in dadaalkiisii Real Madrid uusan wax isbedel ah ku iman doonin.
“Inaan dareemayo murugo oo aan cadeeyey waxa ay abuurtay qas badan. Waxaa la igu eedeeyey in aan doonayo lacag badan, balse hal maalin waxaa la soo bandhigi doonaa inaysan arrinta sidaa ahayn,”ayuu Ronaldo ku qoray boggiisa Twitterka.
Wargeysyada caalamka oo idil ayaa waxa ay baahinayeen warar ahaa in heshiis daro kooxda dhexdeeda iyo madaxda sare ee kooxda ay sababi karaan in uu dhaco rikoor cusub oo ah kala iibsashada laacibiinta ugu waaweyn ee Yurub.
Laakiin isagoo diiday in uu shaaciyo arrinta dhabta ah ee jirta ayuu ciyaaryahankii hore ee Manchester United waxa uu si shaqsiyan ah ula hadlay taageerayaasha Real Madrid isagoo u muujiyey dareenkiisa.
“Hadda, waxaan doonayaa in aan u ballanqaado taageerayaasha Real Madrid in niyadayda,naf u huridayda, dadaalkeyga iyo rabitaankayga ah in aan tartan walba guuleysano aysan wax saameyn ah ku yeelan doonin arrintan,”ayuu sii raaciyey.
“Aad ayaan u tixgelinayaa Real Madrid wixii awoodeyda ahna kama hagran doono. Waan marxabaynayaa dhammaan madridistas.”