
Xiddiga Real Madrid ayaa sii raacay qaab ciyaareedkiisii uu labo gool kaga dhaliyay Holland, ka dib markii uu madax kubad ku dabamariyay goolhaye Petr Cech markii uu kubad karoos aheyd uu ka helay ciyaaryahan Moutinho. Haatan waxa uu dhaliyay 10 gool isku dardar isreebreebkii iyo koobkaan haatan socda, waxaana uu wadankiisa u soo saaray semi-final.
Natiijada ma aheyn mid marnaba ay mugdi ku jirtay iyadoo Czech ay bas hor dhigteen goolkooda, waxaana ay u muuqdeen kuwa aan dhaqaaqi karin mar hadii uu ka dhaawac kaga maqnaa ciyaaryahanka Arsenal Tomas Rosicky.
Portugal ayaa dhalin kartay in ka badan goolkaas, iyadoo Ronaldo laga badbaadiyay fursado dhowr ah islamarkaana birta goolka ay kubado halis ah ka beenisay, waxaana ay haatan semi-finalka ku wajihi doonaan Spain ama France xulkii semi-final u soo baxa.
Portugal ayaa haatan rajo weyn ka leh hanashada koobkaan Euro 2012, iyadoo Ronaldo uu qabo baahi weyn islamarkaana uu qaab ciyaareedkiisii uu Real Madrid ugu qaaday La Liga xilli ciyaareedkii dhamaaday uu ku dabaqayo kan xulkiisa qaranka.