
Los Blancos ayaa u baahneyd goolal soo daahay oo kala dhaliyeen Karim Benzema iyo Ronaldo inay ku laba rogaan hogaanka oo looga hayay 20-1 ah, ciyaartii ugu horeysay ee Group D ee Champions League.
“Waxa ay u aheyd ciyaar aad u wanaagsan dadkii daawanayay” ayuu Ronaldo u sheegay TVE1.
“Waxaan u ciyaarnay si aad u wanaagsan. Qeybtii hore waxaan abuurnay fursado lakiin waan qasaarinay, qeybtii labaad anaga iyo Manchester City si fiican ayaa u ciyaarnay.
“Waxaan aaminsaneyn inaan badin karno waana badinay. Kooxda shaqo fiican ayay qabatay, waan ogeyn inaan sidaan sameyn karno, waana sameyneynay.”
Ciyaaryahanka reer Portugal ayaa la weydiiyay xaqiiqda in inkastoo uusan u dabaaldegin goolashii uu dhawaan dhaliyay oo uu isku tilmaamay inuu murugeysan yahay, inuu u dabaaldegay goolkii xalay.
“Waxaan dabaaldegaa markii aan doono inaan dabaaldego. Ciyaarta aad ayay muhim u aheyd, waxaana ku jirnay dagaal”.