
Seleccao ayaa laga badiyay ka dib markii Joao Moutinho iyo Bruno Alves ay labadoodaba ku guuldareysteen inay dhaliyaan rigooradooda, iyadoo Ronaldo oo inta badan rigoore u tuura Portugal uusan fursad u helin inuu ka dhaliyo Iker Casillas.
“Waxaan doonayay inaan tuuro rigoorada shanaad, lakiin labo ayaan qasaarinay” ayuu Ronaldo u sheegay suxufiyiinta.
“Waxa ay aheyd kaliya su’aal uu tababaraha i weydiiyay. Waxa uu igu yiri: ‘Ma rabtaa inaad tuurto rigoorada shanaad? Anigana waxaa iri ‘haa’”.
“Mararka qaar waxaan tuuraa rigoorada koowaad, tan labaad ama tan seddexaad. Waxaana ogolaaday inaan qaato tan shanaad”.
“Waxaan rajeynayaa in Spain ay haatan ku guuleysato tartanka sababtoo ah saaxiibo badan ayaan ku leeyahay, halkaasna waan ka ciyaaraa”.
“Si caadi ah ayaan dareemayay inaan ka horimaado ciyaartoyda Real Madrid. Garoonka marka aan ku jirno saaxiibo ma nihin, lakiin banaanka ayaan saxiibo ku nahay”.