
Holland sida England iyo Italy waxa ay xusheen in Krakow ay xarun u noqoto inta ay socoto Euro 2012, waxaana ay qamiistii albaabaha u fureen garoonkooda tababarka si ay ugu soo daawasho tagaan ilaa iyo 25 kun oo ruux.
Waxaana dad goob joogayaal ay sheegeen inay jireen ilaa iyo 500 taageerayaal ah oo ka mudahaaraadayay in xul ajnabi ah uu tababar ku qaato garoonkooda, waxaana ay hal mar kuwada dhawaaqayeen ereryo la xiriira daanyeer oo ay ugala jeedaan ciyaartoyda midabkooda madowga yahay ee ku jira xulka Holland.
Kabtanka ayaa u sheegay asxaabtiisa inay u wareegaan dhanka kale ee garoonka islamarkaana ay sii wataan tababarkooda.
Isagoo saxaafada la hadlayay Van Bommel waxa uu yiri:
“Waa sharaf dhac gaar ahaan markii aan ka soo laabaay Auschwitz inay waxaan oo kale nagala horyimaadaan” ayuu 35 jirkaan u sheegay saxaafada.
“Waxaan ku dacweyn doonaa Uefa, hadii ay ciyaar gudaheeda dhacdana waxaan la hadli doonaa garsooraha waxaana weydiisan doonaa inuu garoonka naga bixiyo.”
Uefa ayaa beenisay in hadalo cunsurinimo ah lagu weeraray xulka Holland lakiin waxa ay qirteen inay jireen taageerayaal mudahaaraaday intii ay Holland tababarka ku jireen, waxaana hadii ay qirtaan ay ceeb ku tahay Uefa iyo dalalka martigelinya Euro 2012.