
Daafaca Barcelona ayaa ku dhaawacmay kulankii ay Champion League oo ay 2-0 ugaga badiyeen kooxda Benfica kadib markii uu dhulka ku dhacay.
“Qof walba waan salaamay, waa la iga furay faashadihii gacanta iigaga dubnaa si aan asxaabteyda ugu tago,”ayuu bogiisa Facebook ku soo qoray ciyaaryahankan ka mid ah xulka Spain, isagoo intaa ku daray in lagu duubay faashad ka fudud tii hore oo awood u siineyso inuu dhaqdhaqaaqo.
“Waa tallaabo yar oo aan u qaaday soo ladnaantayda, waan idin salaamay!”ayuu sii raaciyey Kabtan Puyol.
Puyol ayaa la filayaa in garoomada ku soo laabta dhamaadka bisha November laakiin tababaraha Blaugrana Tito Vilanova ayaa dhowaan sheegay in laga yaabo in si dhaqso ah uu ku soo ladnaado Puyol ayna waqti ka yar mudadii la filayay in uu garoomada ka maqnaado uu ku soo laabto.