
Daaficii hore ee Valencia ayaa waxaa ku dhacay hargab kaasoo ugu dambayntii sababay in Tito Vilanova uu qorsheystey in kulankaa uu ka reebo Alba kadib markii uu ku soo bogsan waayay waqtiii la doonayay.
Virus loo bixiyey ‘FIFA virus’ ayaa waxaa uu hore u hayay Andres Iniesta iyo Alexis Sanchez inkastoo ciyaaryahanka reer Chile uu tababar fudud qaatay subaxnimada jimcaha kadib markii uu ka soo laabtay ciyaaraha heer caalami isagoo cajarka dhaawac ka qaba.
Sanchez ayaa la filayaa in uu dib ugu soo laabto garoomada kulanka horyaalka Championka ee Spartak Moscow toddobaadka soo socda halka Iniesta la filayo in uu maqnaado illaa toddabaadka kale ee soo socda.