
Weeraryahanka reer Holland ayaa shaki uu ku jiraa sidii uu ugu biiri lahaa Juventus kadib markii ay waqti kama dambayn ah u qabatay kooxda Juve, Kooxda Juventus ayaa waxay u sheegtay wakiilka van Persie Kees Vos inay tahay in heshiis la gaaro 17 August haddii uu Persie doonayo in uu ka mid noqdo Juventus.
Haddii uusan laacibkan ku biirin Juventus waxaa u furan in uu mid uun ku biiro labada Manchester. Hase yeeshee Persie ayaa jecel kooxda United waxaase jira shaki ah in Sir Alex Ferguson uusan dooneyn in uu ka bixiyo inkabadan £15million 29jirkan.
Ciyaaryahanka ay isku dalka ka soo jeedaan Van Persie ee Vlaar ayaa ugu dambayntii waxa uu ku biirey Villa isagoo ahaa laacibkii afaraad ee kooxda uu tababaraha u yahay Paul Lambert ay la soo wareegto, waxana uu Vlaar u saxiixay Villa heshiis ah saddex sano isagoo ka soo tegey Feyanoord.
‘ Waxaam la hadlay Robin iyo ciyaaryahano kale markii aan joognay tartankii Euro 2012,’ayuu yiri Vlaar.
‘Robin waxa uu ii sheegay in haddii aan fursad heli karo in aan imaado dalka Ingiriiska balse ku soo biirista koox ka dhisan Ingiriiska waxa uu ahaa go’aankeyga, waana ku faraxsnahay in Aston Villa aan ku biiro.
Vlaar, ayaa hase yeeshee wuxuu aad u jecel yahay in uu sii joogo dalka Ingiriiska Persie iyadoo ay laakiin dhici karto inuu Persie ka tago Arsenal.
‘Runtii ma garanayo halka uu ku sii jeedo, lama hadlin dhowaanahan.ayuu sii raaciyey Vlaar. ‘Waxaan rajaynayaa inuu sii joogo England markaa waan iska horiman karnaa. Waxaan u tababaranayay anigoo ka soo horjeeda xulka qaranka waana ciyaaryahan weyn.