
Shalay oo aheyd maalintii seddexaad ee dhageysiga sharadka sharci darrada ah, ayaa qareenka xiriirka Talyaaniga Stefano Palazzi waxa uu sidoo kale codsaday in labo dhibcood laga jaro Bologna, islamarkaana Lecce laga tuuro heerka seddexaad ka dib markii Serie A ka hartay xilli ciyaareedkii hore.
Marco Di Vaio, oo u ciyaari jiray Bologna haatana u ciyaara kooxda Montreal Impact ayaa isna la codsaday in la ganaaxo hal sanno, halka ciyaaryahano kale ay wajihi karaan ganaax u dhaxeeya seddex ilaa iyo afar sanno.
Bonucci iyo Pepe ayaa labadoodaba qeyb libaax leh ka qaatay hanashada horyaalka Serie A ee Juventus xilli ciyaareedkii hore.
Bonucci, oo sidoo kale Italy ka caawiyay inay gaaraan finalka Euro 2012, ayaa lagu eedeeyay inuu wax ka qorsheeyay natiijo ciyaar si qamaar loogu guuleysto markii uu joogay Bari May 2010.
Kulankaan waxa ay la ciyaarayeen Udinese waxaana uu ku dhamaaday 3-3.
Pepe, oo markaas u ciyaaray Udinese islamarkaana isla ciyaartaas ciyaaray ayaa lagu heystaa dacwo ka yar midaas, waxaana lagu eedeeyay inuu ku guuldareystay inuu maamulka Isboortiga ku wargeliyo sharadkaas sharci darrada ee socday. Labada ciyaaryahan ayaa beeniyeen inay wax qalad ah sameeyeen.
Maxkamada xirirka kubada cagta Talyaaniga ayaa la filayaa in go’aankooda uu soo baxo dhamaadka isbuuca soo socda.
Warkaan ayaa war wanaagsan u aheyn Juventus oo sidoo kale laga soo diiday dhawaan heshiis ganaax ah oo uu tababarahooda Antonio Conte garoomada kaga maqnaan lahaa seddex bilood.
Conte oo isna lagu heystay inuu ku guuldareystay inuu maamulka isboortiga ku wargeliyo iskuday la doonayay in lagu qorsheeyo natiijo ciyaar si qamaar loogu guuleysto markii uu joogay Seina ayaa haatan si toos ah dacwadiisa loogu qaadi doonaa maxkamad isboorti, waxaana hadii danbi lagu helo ay keeneysaa inuu garoomada ka maqnaado 15 bilood.