
Ciyaaryahankan ayaa la ganaaxay saddex sano fadeexad ku saabsan sharad si aan sharci ahayn loo dhigey waxaana lagu dhowaaqay go’aanka lagu ganaaxay Jimcihii.
Maanta ayuu bilaabay Pesoli cabasho uu ku diidan yahay go’aanka laga gaaray waxaana uu dalbaday in si toos ah uu u hor yimaado dadka eedeeyey ee kala ah Filippo Carobbio iyo Carlo Gervasoni.
Pesoli ayaa isku xirey albaabka la galo xarunta xiriirka kubbada cagta Talyaaniga ee Rome waxana uu saxaafada u sheegay in uu bilaabay in uu cuntada ka soomo.
Ganaaxa ciyaaryahankan ayaa waxa ay qeyb ka tahay cadeymo sidoo kale loogaga ganaaxay ciyaaraha tababaraha Juventus Antonio Conte muddo toban bilood ah iyo kaaliyihiisa Angelo Alessio oo siddeed bilood isna la ganaaxay.
Dadkan la eedeeyey ayaa waxaa ay qaadan karaan racfaan bisha August labaatankeeda.
21 July ee sanadkan ayaa Pesoli waxa uu u saxiixay heshiis kooxda Verona ee ka dhisan dalka Talyaaniga.