
Guuldaradii ka soo gaartay City Talaadadii kulankii Capital One Cup oo Aston Villa ay ka badisey ayaa waxaa ay ka dhigtay in aysan afar kulan wax guul ah gaarin kooxda Manchester City.
Labo kamid ah ciyaarahaa ayaa waxa ay ahaayeen Premier League kulamo ka mid ah oo ay barbaro galeen, halka kulan kalana uu ahaa kii Championka ay Real Madrid 3-2 ugaga badisey.
Kooxda City ayaa barbaraha ay gashay waxa ay ka badan tahay guulaha ay gaartay.
Waxayna kooxda City u safraysaa Sabtida Fulham iyadoo afar dhibic ka hooseysa kooxda hogaanka u haysa horyaalka Ingiriiska ee Chelsea halka ay saddex dhibcoodna ka hooseyso Manchester United.
Maicon oo dhowaan ku soo biirey City ayaan u hayn sabab mashaakilka ka jira daafaca kooxda waxana uu ogyahay inaysan taasi sii socon karin.
Maicon oo ka hadlay dhibaatada haysata ayaa yiri: “Waa ay adagtahay in la yiraahdo maxay waxan u dhacayaan sababtoo ah dhowaan ayaan kooxda ku soo biiray.
“Bilowga xilli ciyaareedka waa mid adag kooxo badana goolal ayaa laga dhaliyaa.
“Laakiin waan ogahay in Mancini uu arrintan diirada saarayo. Wuxuu doonayaa inaan horumar samayno, mana awoodno inaan ogolaano in kooxaha hogaanka haya ay inaga sii fogaadaan..”