
Ciyaaryahanka xulka qaranka Brazil ayaa waxaa qalliinka ku sameeyey dhaqtarka taqasuska leh ee Dr Nich Van Dijk toddobaadkii hore kadib markii uu kulan uu u ciyaarayay xulka dalkiisa uu dhaawac ka soo gaaray.
Real ayaa waxa uu ku soo daabacday shabakadeeda soo laabashada Maicon iyadoo xaqiijisey in daafaceeda dhinaca bidix uu berito bilaabi doono sidii uu ugaga soo kaban lahaa dhaawaca waxaana il gaar ah ula socon doonaa dhaqaatiirta kooxda Real Madrid.
Kooxda Real Madrid ayaa toddobaadkan ciyaaryahanadeeda ka soo qeybgalay kulamada caalamiga ah ee wadamadooda ay qaar kamid ahla soo laabteen dhaawacyo soo gaaray.