
Pepe ayaa waxa ay isku dhaceen goolhaye Iker Casillas toddobadkii hore iyagoo doonayay inay daafacaan kubbad laad xor ah kadibna uu dhaawac ka soo gaaray madaxa.
Hase yeeshee Casillas ayaa ciyaarta sii watay, halka Pepe la bedelay daqiiqado kadib iyadoo la sheegay markii dambe uu miyir doorsoomay.
Pepe ayaa lagu qasbay inuu habeenkaa dhaawaca soo gaaray uu seexdo isbitaal si baaritaano loogu sameeyo, waxana lagu waaniyey in uu aalada elektirada ah uu ka fogaado uuna ciyaarin kulankii Clasico oo kooxdiisa loogaga badiyey 3-2.
Iyadoo dib ugu soo laabtay garoonka isagoo tababar qaadanayo ayaa weli la qiimeynayaa suurtogalnimada inuu ciyaari karo kulanka Los Blancos ay Axada ugu safreyso kooxda Getafe.