
39-jirkaan daafaca ah ayaa go’aankan inuu ka fariisto ciyaaraha qaatay kadib markii uu hore u sheegay in marka uu xilli ciyaareedkan dhamaado uu ka fariisanayo ciyaaraha.
Carlos ayaa si firfircoon ugaga shaqeynayay sidii kor ay ugu soo kici lahayd kooxda Anzhi bilihii la soo dhaafay waxaana la filayaa in uu ka noqdo kaaliye tababare kooxda lacagta badan lagu bixiyo ee ka dhisan dalka Ruushka marka uu helo oggolaansho ama aqoonsi tababaranimo.
“Waxaan ka wadahadalnay labada koox ee Real Madrid iyo Anzhi inay wada ciyaaraan kulan sagootin ah,” ayay ka soo xigatay EFE Roberto Carlos.
Roberto Carlos ayaa u wareegay kooxda Inter sanadkii 1995 kadin markii uu labo sano u ciyaarayay Palmeiras, laakiin hal xill ciyaareed oo qura ayuu u la joogay kooxda Nerazzurri kahor inta uusan u soo wareegin Madrid.
Markii uu joogay garoonka Santiago Bernabeu, laacibkan reer Brazilian waxa uu la qeybsaday naadiga afar koob oo La Liga ah, saddex Champions League iyo saddex koob oo ah koobka Supercopas iyo koobab kalaba.
11 sano oo uu ku sugnaa magaalo madaxda Spain, kadib waxa uu labo sano laacibkan la joogay kooxda Fenerbahce inta uusan u wareegin Corinthians – waxana uu ku soo gunaanuday mustaqbalkiisa ciyaaraha kooxda Anzhi oo uu ku biiray sanadkii 2011.