
Tababare Mark Hughes ayaa waxa uu wadaa sidii uu sii xoojin lahaa kooxda QPR isagoo hadda ku soo daray daafaca midgeed ee Bosingwa kaasoo ay kooxo badan oo ka dhisan qaarada Yurub ay doonayeen.
Inter Milan, Anzhi Makhachkala iyo Monaco ayaa waxa ay dhamaantood ay doonayeen Bosingwa balse ciyaaryahanka reer Portugal waxa uu sheegay in uu aad u jecel yahay in uu sii joogo magaalada London.
Bosingwa ayaa waxa uu ku soo biirey kooxda Chelsea afar sano kahor iyadoo lagu soo iibiyey £16million waxana uu kula guuleystey koobab ay ka mid yihiin Champions League, Barclays Premier League, saddex FA Cup ah iyo Community Shield.
29-jirkan ayaa waxaa uu noqonayaa laacibkii siddeedaad ee uu tababaraha xilli ciyaaredka uu ku soo daro kooxda kadib markii kooxda QPR ay ku sigatay in ay hoos ugu laabato heerka labaad.
Tababaraha kooxda QPR Hughes ayaa waxa uu sheegay:’Waxaan ku faraxsanahay in aan keeno ciyaartoy shaki la’aan ah mid karti leh. Waxa uu leeyahay orod badan,farsamo fiican iyo wax walba oo loogaga baahan yahay in uu yeesho laacib.