
Ciyaar yahankan 30 jirka ah ayaa la baratamay wakhtiga si uu uga qaybgalo ciyaaraha Euro ee ka dhici doona Poland iyo Ukraine, ciyaaryahankan ayaa la daalaa dhacayay dhaawac soo gaadhay mar ay kooxdiisu ciyaaraysay ciyaaraha Club world cup oo lagu qabtay dalka Japan bishii December.
“David waxa uu samaynayaa jimicsi, waa inaan sugnaa laba isbuuc oo kale, laakiin ta aan cadayn karo ayaa ah in uusan ciyaari doonin Copa del Rey” ayuu dhakhtarku sheegay.
“Run ahaantii waa uu ciyaari doonaa Euro, hase yeeshee isbuucyada soo socda waxaan si kama dambays ah u go’aansan doonaa in uu ciyaari doono tartanka Euro iyo hadii kale “ ayuu hadalkiisa raaciyay.
Dhinaca kale Puyol oo isbuucii hore marayay qaliin lagaga samaynayay jilibka ayuu dhakhtarku cadeeyay in uuna ciyaari karin tartanka Euro.
“Waxa aan filaynaa in Carlos Puyol uusan haysan wax fursad ah oo uu ku ciyaari karo ciyaaraha Euro marka la eego wakhtiga uu u baahan yahay in uu ku bogsado” ayuu kusoo gabogabeeyay dhakhtarka khaaska ah ee kooxda Barcelona.