
Daafaca 29jirka ah ayaa kulankii lugta labaad ee ay kooxdiisa yeesheen Real Madrid waxa uu ka sheegtay muruq markii lagu jirey iskululeyntii ciyaarta.
Alves ayaa la filayaa nuusan ciyaarin kulanka Axada si looga taxadaro dhaawaciisa waxaana booskiisa buuxinaya Martin Montoya.
Carles Puyol iyo Thiago Alcantara ayaa dib ugu soo laabtay tababarka toddobaadkan kadib markii dhowaan ay dhaawacyo soo gaareen.
Barcelona ayaa waxa ay Axada la ciyaari doontaa kooxda Valencia mid ka mid ah kulamada horyaalka La Ligaha.