
Daafacan ayaa qeyb ka ahaa wadahadalo dheer oo socday oo lagu doonayay inuu ku sii joogo Anfield, waxaana wadahadalada ay haatan u muuqdaan kuwa soo gabagaboobay isagoo qalinka ku duugi doona heshiis afar sanno ah oo uu isbuucii ku qaadanayo 75 kun ginni.
Agger oo 27 jir ah ayaa laga yaabaa xitaa inuu heshiiska saxiixo ka hor kulanka caawa ee Europa League ee ay Liverpool garoonkeeda kula ciyaareyso Udinese, lakiin waxa ay u badan tahay inaan riski lagu geli doonin inuu ciyaaro kulankaas ka dib markii dhaawac jilibka ah uu ka soo gaaray kulankii Manchester United.
Tababaraha Liverpool Brendan Rodgers ayaa ka warqaba dhibaatada caafimaad ee uu leeyahay xiddigan reer Denmark.
“Waan ka warqabnaa taariikhdiisa, waana inaan si wacan u maamulnaa kulamada uu ciyaarayo.” ayuu yiri Rodgers.
Agger ayaa xagaagii diirada u saarnaa Manchester City, lakiin arintaas ayaa meesha ka baxday ka dib markii uu farixiisa ku xardhay shabad ah YNWA taasoo ah halheyska kooxda Liverpool.